Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: In ka badan 15 qof oo lagu laayay qarax lala beegsaday Gaari BL ah [FAAHFAAHIN]

Qasaaraha qarixii lala  beegsaday gaari nooca dadweynaha ah (BL) oo ku socday degmada Afgooye ayaa sii kordhay, kadib markii dadka ku dhintay ay tiradoodu gaartay 15 ruux.

Gaarigan oo ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday Afgooye ayay miinada kula qaraxday inta u dhaxeysa Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadkii goobta qaraxa ka dhacay tegay ayaa sheegay in 15 ruux ay ku dhimatay qaraxa, isla markaana ay ku dhaawacmeen shan kale. Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inay gaarto 20 iyadoo dadka baska saarnaa ay yar tahay wax ka badbaaday.

Gaariga oo ahaa basaska yaryar ayaa la sheegay inuu gebi ahaan baaba’ay oo la kala garan waayay dadkii saarnaa kadib markii jirkoodu googo’ay.

Dadka dhibaatada soo gaartay ayaa ahaa ganacsatada Khudaarta ee magaalada Muqdisho iyagoo Khudaarta ka keena Afgooye.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON