Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qasaare badan ka soo gaaray ciidamada Kenya weerarkii ay saaka Alshabaab ku qaadeen xerada Kulbiyow.
Weerarka oo loo adeegsaday gawaari is-miidaamin ahayd iyo weerar dhower jiho looga ekeeyay xerada ayaa warar hordhaca ah sheegayaan in lagu dilay in ka badan 50 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya oo loo yaqaan KDF.
Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in dagaalka oo ahaa mid aad u culus lagu laayay askar ka badan 50 oo Kenyaan, isla markaana looga furay hub fara badan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay warbaahinta iyo dowladda Kenya, waxaana isa soo taraya wararka dadka degaanka ee ka hadlay qasaare weyn oo gaaray ciidamada Kenya.
Goobjooge.com