Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Khadkii Internet-ka oo dib u soo laabtay Muqdisho & Koonfurta Soomaaliya

Waxaa goor dhoweyd dib usoo laabtay Koonfurta Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho adeegga Internetka oo muddo 22 maalmood ah maqnaa.

Cilad bixin bilaabatay Jimcihii 14-ka bishan ayaa dib loogu dayac tiray fiilooyinkii Fiber Optic oo uu gooyay marka ganacsi 24-kii June oo ku beegneyd habeenkii ciidul fitriga.

Shirkadda Dalkom oo mas’uul ka ah adeegga Internetka Xarkaha ku shaqeeya ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dib uga shaqeysiiso Internet-ka.

Waxaa la dareemayaai nuu si tartiib ah khadka dib ugu soo laabtay saaka 10-ki subaxnimo, inkastoo dad badan aysan wali wada ogaanin  soo laabashada Internetka, waxaa  shaqada internetka laga ogaaday shirkadaha Xawaaladaha, xafiisyada gaarka ah iyo Bankiyada.

Shirkadaha bixiya adeegga internetka ayaa hadda ku howlan inay macaamiishooda u fasaxan internetka iyadoo qaarkood ay horeba u fasaxeen. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay shidmaan baraha bulshada oo si weyn looga dareemay dadkii Muqdisho iyo koonfurta Soomaalida oo ahaa kuwa ugu badan ee shidi jiray baraha Soomaalida.

Khasaare ka badan 200 Milyan doolar ayaa la sheegay inay kentay internet la’aanta ka jirtay koonfurta Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON