Monday, August 25, 2025

DEGDEG: Kooxda Xuuthiyiinta oo Gantaal Plastic ah ku weerartay Magaalada Riyaad ee Sacuudiga & Difaaca…

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxda Xuuthiyiinta dalka Yeman ay Gantaal Plastic ah ku weerartay garoonka Boqor Khaalid ee magaalada Riyaad, Boqortooyada Sacuudiga.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa warkan soo saartay iyadoo sheegtay in Gantaalka oo ridadiisa ay meel dhexaad tahay uu bartilmaameedkiisu ahaa Garoonka caalamiga ah ee magaalada Riyaad.

Dhinaca kale Saxaafadda Sacuudiga ayaa sheegtay in Difaaca Cirka ee Boqortooyada Sacuudiga uu soo riday Gantaal laga soo riday dalka Yeman oo dhulka lasoo dhigay bariga magaalada Riyaad, isagoo aan wax qasaare ah geysan. Warar kale ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay agagaarka garoonka Boqor Khaalid ee magaalada Riyaad.

Telefishanka kooxda Xuuthiyiinta ee Masiira ayaa sheegay in Gantaalka ay ku rideen Sacuudiga uu yahay nooca ridada dheer ee  Burkaan 2.

Weerarkan gantaallaha Xuuthiyiinta ee lagu gano Sacuudiga ayaa inta badan waxaa ka hortaga gantaallaha difaaca cirka ee Sacuudiga, iyadoo dhowr jeer ay Xuuthiyiintu Gantaallo noocan oo kale ah ku rideen Sacuudiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON