Kulankii labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa hadda ka socda magaalada Beledweyne kadib markii lagu kala kacay kulankii hore oo la isku mari waayay qaabka wadahadalka loo gelayo [AKHRI WARKAN]
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa ku guuleystay inuu Ugaas Xasan iyo Duubabka la jira dib ugu soo celiyo xarunta shirka ee madaxweynaha iyo wasiirada xukuumadda Soomaaliya ku sugan yihiin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal aan yareyn ugu jira qancinta Ugaas Xasan iyo duubabka la socda oo ah caqabada ugu weyn ee hor taalla wafdigiisa. Waxaana qorshaha ugu weyni yahay in shirka Jowhar dib loo furo.
Kulanka hadda socda ayaa yimid wax ka yar 2 saacadoo markii lagu kala kacay kulankii hore. Ugaas Xasan ayaa diidan in Hiiraan lagu daro Shabeelaha Dhexe, wuxuuna doonayaa in Hiiraan ay keligeed noqoto laba gobol, arrintaas oo beelo badan oo dega Hiiraan aanay la qabin.
Goobjooge.com