Friday, June 27, 2025

Kulankii Baarlamaanka ee arrinta Qalbi dhagax oo lasoo xiray [Maxaa ka soo baxay?]

Waxaa goor dhow lasoo gabagabeeyay kulankii xildhibaannada Golaha Shacabka ee maanta looga dooday arrinta muranka dhalisay ee C/kariin Qalbi dhagax.

Xildhibaano gaaraya 52 ayaa isu qoray inay dooda ka qeyb galaan, waxayna intooda badna taageereen go’aanka xukuumadda ku dhiibtay Sarkaalka ONLF, halka qaar kale ay ka horjeesteen.

Guddoonka golaha ayaa ku dhawaaqay in arrintan loo saaray guddi kasoo tala bixiya oo golaha ku soo celiya taladooda, waxaana halkaasi lagu soo afjaray doodii xildhibaannada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in kulanka xiran yahay, iyadoo Guddiga arrintan loo saarayo la sheegay in guddoonka uu dib kasoo sheegi doono.

Xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal weyn u gashay in xildhibaanada baarlamaanka aysan ka hor imaan go’aankeeda, taasoo qeyb ahaan hadda xalisantay, inkastoo aan la ogeyn sida uu noqon doono go’aanka Guddiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON