Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu baaqday kulankii Baarlamaanka ee maanta.
Kulanka ayaa la sheegay inuu u baaqday kooram la’aan markii ay soo xaadiri waayeen tiradii uu ku furmi lahaa fadhiga.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu shirku xiran yahay kadib markii kulanka Golaha shacabka ay soo xaadiri waayeen xildhibaano gaaraya kooram.
Xukuumadda iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa olole u galay inay kulanka ka baajiyaan xildhibaanada ugu badan si ay waqti ugu helaan inay helaan xildhibaanno ku filan oo ka hortagga mooshinka ka dhanka ah wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh.
Goobjooge