Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Laba gaari oo weerarro is-miidaamin ah waday oo lagu qabtay Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA ay qabteen laba gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loogu talo galay in lagu qarxiyo hotel ku yaala magaalada Muqdisho iyo laba nin oo is midaamin rabay.

Labadan Baabuur ayay NISA sheegtay in la qabtay abaarihii 2:00 Duhurnimo ee maanta oo Jimce ahayd, iyadoo Hotelka loo qorsheeyay in la weeraro la sheegay inuu ku yaallo degaanka KM5 ee magaalada Muqdisho, balse lama magacaabin hotelka.

NISA faahfaahin kama bixin, hotelka weerarka loo qorsheeyay iyo gawaarida la qabtay. Waxa kaliya oo qoraalada NISA lagu sheegay in laba is miidaamiye la qabtay… Qaraxa la qabtayna uu awood u lahaa inuu geysto burbur baaxad leh iyadoo loo qorsheeyay weeraro loo qaado wadajir.

Faahfaahinta la soco….

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON