Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Liiskii Golaha wasiirada oo hadda la hor geeyay Guddoonka Baarlamaanka ka hor inta aan lagu dhawaaqin

Liiska Golaha wasiirada cusub ayaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay iyadoo ay isla meel mariyeen Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Liiska oo diyaar u ah in lagu dhawaaqo ayaa la sheegay in ka hor arrintaasi la tusinayo Guddoonka Baarlamaanka oo ka kooban Guddoomiye Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan iyo Labadiisa ku xigeen Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cawad.

GUDDOONKA-BAARLAMAANKA

Saddexda mas’uul ee guddoonka Baarlamaanka ayaa goor dhoweyd isugu tegay guriga Guddoomiyaha Baarlmaanka, halkaas oo ay ku sugayaan Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo la filayo inuu daqiiqado kadib u tago si uu u tusiyo Golihiisa wasiirada oo ay ka dhex muuqdaan wasiiradii laga digay.

Tusinta  Golah wasiirada ee guddoonka Baarlamaanka ayaa ku kooban sii ogaansho sharafeed aanay wax talo ah ku lahayn ama ka bedeli karin. Guddoomiyaha Jawaari ayaa laga soo xigtay inaan lagala tashan xitaa xubnaha Golaha wasiirada ee Beeshiis, liiskana uu iska qortay Shariif Xasan, wuxuuna iska beri yeelay xukuumadda cusub ee la soo wado.

Sidoo kale Mahad Cawad iyo Jeylaani ayaa sidoo kale wax talo ah ku lahayn, waxaana durba bilowday kala guur xubnaha Baarlamaanka ku dhacay iyo mucaarado la filayo in laga horkeeno Golaha cusub ee aan weli ifka u soo bixin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu adkeystay in wasiiradii uu la yimid ka mid noqdaan Golaha cusub ee Cumar C/rashiid guddoomin doona, kuwaasoo ay ka mid yihiin:

Guled-Sanbalolshe

Faarax Sheekh C/qaadir

C/kariin Xuseen Guuleed

Xuseen Cabdi Xalane

C/laahi Maxmed Sanbaloolshe

Wixii soo kordha kala soco GOOBJOOGE.COM insha allaah

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON