Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Lix Wasiir iyo mas’uuliyiin badan oo iska casilay xukuumada Somaliland & khilaafkii xisbiga Kulmiye oo cirka isku shareeray

SIILAANYO-IYO-BIIXI

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya inay is casileen 6 wasiir oo ay ku jiraan xubno muhiim ka ahaa dawladda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, kadib khilaaf ba’an oo soo kala dhex galay Xisbiga Kulmiye ee talada haya kuna saabsan doorashada xisbiga ee musharaxa madaxweyne.

  1. Xubnaha is casilay waxaa ka mida:
  2. Wasiirkii madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan
  3. Wwasiirka arrimaha dibedada Maxamed Biixi Yoonis
  4. Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Axmed Xuseene Caydiid
  5. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdi Aw-daahir.
  6. Wasiir ku xigeennada bulshada iyo dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan
  7. Wasiir ku xigeenka degaanka.
  8. Afhayeenkii madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul

Xubnahan ayaa sheegay in is casilaaddoodu ka dambaysay makrii sida ay sheegeen uu madaxweynuhu taageeray dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayey loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye. Xubnahan waa kuwii ugu muhiimsanaa ee lagu tirin jiray dadka ugu dhow madaxweyne Siilaanyo waxayna caddeyn u tahay heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye.

Ad

Arrintan waxay ka danbeysay markii la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo amar ku siiyey wasiiradan inay taageeraan Musharax Muuse Biixi . Kooxdan wasiirada ah ee shaacisay inay is casileem ayaa taageersan mushraxa kale ee Maxamad Biixi Yoonis.

Goobjooge.com

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON