War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in duqeyn madaafiic loo adeegsanayo ay hadda ka socoto magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Madaafiicdan ayay wararku sheegayaan inay ridayaan ciidamada AMISOM ee duleedka magaalada ku sugan, iyadoo madaafiicdu dhaceyso daafaha iyo qeybo ka mida magaalada.
Duqeyntan ayaa timid kadib markii AMISOM ay ka war heleen maleeshiyo Alshabaab ka tirsan oo la sheegay inay isku urursanayaan agagaarka magaalada Marka si ay weerar ugu soo qaadaan magaalada.
Xaaladda ayaa kacsan magaalada Marka, waxaana la soo sheegay in qasaare ay dhaliyeen duqeynta AMISOM, inkstoo aan al ogeyn tirada qasaaraha.
Goobjooge.com