Saturday, April 20, 2024

Madaxda Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada oo heshiisyo ku saxiixay Shirkii Baydhaba [Sawirro]

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in shirkii Amniga Qaran ee magaalada Baydhaba uga socday madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada lagu gaaray heshiis.

Heshiiska ayaa ku saabsan labadii Qodob ee sida weyn la isugu khilaafsanaa, kuwaasoo kala ah Wadaagga Kheyraadka iyo Hannaan Doorasho Federal ah ee 2020-ka, waxaana munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska ay goor dhow ka dhacday magaalada Baydhaba.

Qodobadda lagu heshiiyay waxaa ugu waaweyn: 

Ad

1- In doorasho qof iyo Cod ah ay dalka ka dhacayso Sanadka 2020 oo ay kuraasta Barlamaanka ku tartami doonaan Xisbiyo Siyaasadeed .

2- In la mideeyo Canshuuraha Dalka.

3- In laga heshiiyey habka Qeybsiga khayraadka dalka.

- Advertisement -

4- In la Dhameystiro Dastuurka KMG ah.

5- In la qaadayo Howlgal lagu furayo Wadadda isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo iyo guud ahan Goobaha ay shabab kaga sugan yihiin dalka oo dhan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay dhamman qodobada Shirka loo Gudbin doono Barlamaanka Soomaaliya.

Shirka oo lagu waday in caawa xilli hore lasoo gabagabeeyo ayaa dib ugu dhacay dood ku saabsan hab qoraalka heshiiska labada qodob ee ay gaareen dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

AKHRISO: War-Murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Amniga Qaran ee Magaalada Baydhaba

- Advertisement -

Image may contain: 3 people, people sitting and flower

Image may contain: 4 people

Image may contain: 3 people, people standing and flower

Image may contain: 6 people

Image may contain: 5 people, people sitting

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON