Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhowr xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya looga yeeray weriyeyaasha Warbaahinta ee Muqdisho ku sugan iyadoo la filayo in madaxtooyada ay jawaab cad ka bixiso mooshinka laga keenay madaxweynaha.
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu qabto shir jiraa’id isagoo ka jawaabaya Mooshin ay shalay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay ka Gudbiyeen Madaxweynaha. Halka warar kalena ay sheegayaan in Afhayeenka Madaxtooyada Daauud Aweysi uu qaban doono shirka Jaraa’id.
Akhri: Mooshinka laga gudbinay Madaxweynaha
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]