Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhoweyd ka degay Magaalada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan.
Wafdiga madaxweyne Waare ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Buuloburte oo ah magaalo go’doonsan oo Alshabaab ku hareereysan yihiin muddo ka badan 3 sanadood.
Guddoomiyaha Magaalada Buula-barde Cabdi Daahir Guure ayaa sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle iyo Wafdigiisa ay yimaadeen Magaalada si weyna loo soo dhaweeyay.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa la sheegay inuu lugta marin doono degmooyinka Gobolka Hiiraan, waxaana la filayaa inuu tago degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.