Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyattta ayaa shaacisay in la soo gabagabeeyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Nairobi, iyadoo la laayey dhammaan argagixisadii weerarka soo qaaday.
Uhuru Kenyatta oo goor dhoweyd ka hadlayey xarunta madaxtooyada Kenya ayaa ku dhawaaqay in koox dembiilayaal argagixiso ah ay weerar ku qaadeen shalay xarunta Dusit ee magaalada Nairobi, iyadoo dilay 14 qof, qaar kalena dhaawacay.
Wuxuu intaas ku daray in 700 dad ka badan laga badbaadiyey dhismaha la soo weerarray, wuxuuna u mahad celiyey ciidamada Kenya oo jawaab degdeg ah ka bixiyey weerarka, wuxuuna tacsi u diray dadka ku dhintay weerarka.
Madaxweynaha Kenya oo weli si toos ah ula hadlaya shacabka Kenya ayaa sheegay inay ka go’an tahay burburinta iyo dagaalka ay kula jiraan argagixisada.
HOOS KA DAAWO
https://youtu.be/FsCEEexwtzU