Guddiga Doorashada Somaliland ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay natiijadii doorashada madaxweyne ee maamulkaasi, iyadoo la shaaciyay madaxweynaha ku guuleystay doorashada.
Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay in musharaxa xisbiga talada haya ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ku guuleystay doorashada isagoo noqonaya madaxweynaha shanaad ee Somaliland.
Xisbiga Kulmiye ee uu murashaxa u yahay Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19%. Muse Biixi Cabdi ayaa ahaa guddoomiyaha xisbiga talada haya Somaliland.
Xisbiga Waddani ee uu murashaxa u ahaa Cabdiraxmaan Cirro ayaa doorashadii usbuuc ka hor ka dhacday Somaliland waxa uu helay 40.73% halka xisbiga UCID uu helay 4.17%.
Faahfaahin dheeraad ah halkan ayaad kala socon doontaan.
Doorashada waxaa qaadacay musharaxii xisbiga mucaaradka ee Wadani Mudane C/raxmaan Cirro oo bayaan uu xalay soo saaray ku sheegay in ku shubasho balaaran aya ka dhacday doorashada, isla markaana aysan aqbaleynin.
Muuse Biixi oo noqday Madaxweynaha Shanaad ee Somaliland [Akhriso Taariikh Nololeedkiisa]