Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Suudaan oo ku dhawaaqay Xaalad Degdeg ah & Xukuumadii oo la kala diray..

Madaxweynaha Suudaan Gen. Cumar Xasan Albashiir ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu xaalad degdeg ah ku soo rogay dalkaasi, iyadoo la laalay Dastuurkii dalkaasi, isla markaana la kala diray xukuumadii dalkaasi.

Khudbad uu ka jeediyey Madaxtooyada Dalkaasi ee magaalada Khartoum ayuu ku sheegay inay si weyn u qiimeeyeen bannanbaxyadii ka socday dalkaasi iyo xaaladda adag ee Suudaan ay mareyso xilligan, wuxuuna sheegay dalabka dhalinyarrada dalkaasi ay ahaayeen kuwo xaq ah.

Wuxuu ku dhawaaqay inuu dalka Suudaan ku soo rogay xaalad degdeg ah muddo sanad ah, isla markaana uu kala diray xukuumadii dalkaasi iyo maamullada Gobollada, iyadoo sidoo kale xilalkii laga qaaday Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka Suudaan.

Wuxuu ugu baaqay Baarlamaanka Suudaan inuu joojiyo dib u eegista ku sameynayo inuu talada dalka sii hayo, isagoo ku baaqay wadahadal, wuxuuna ku baaqay in dhammaan dhinacyada reer Suudaan ay isugu yimaadaan miiska wadahadal si ay uga tashadaan mustaqbalka dalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON