Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayid Ordogan ayaa goor dhoweyd kasoo degay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isagoo ka soo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha Turkiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda maamulada dalka, wasiirada iyo madax fara badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha Turkiga ayaa xariga ka jari doona Safaaradda weyn ee magaalada Muqdisho laga dhisay iyo isbitaal hooyada iyo dhallaanka ah oo ku dhow safaaradda, waxaana kaloo uu booqan doonaa mashaariic Turkigu ka fuliyay Muqdisho.
Waa markii saddexaad ee madaxweynah Turkiga uu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho isagoo laba jeer oo hore yimid caasimadda Soomaaliya.
Goobjooge.com