Muqdisho, Ogoosto 22, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).
Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow).
“Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna.
Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019.
Cumar Filish ayaa ka mida ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, kadibna wuxuu ka mid noqday xildhibannada dowladii lagu dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee dowladii C/llaahi Yuusuf, iyo wasiir, wuxuuna ahaa siyaasi xildhibaan kasoo noqday dowladii Xasan Sheekh oo mucaaradnimo weyn uu kala horjeeday, laakiin wixii ka danbeeyay intii uu talada qabtay Madaxweyne Farmaajo ayuusan heyn wax shaqo ah.
Guddoomiyaha cusub ayaa beddeli doona Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo 1-dii August u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ka dhacay xarunta gooblka Banaadir, 24-kii July oo ay ka danbeeyeen Alshabaab.