Doorashadii madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa goor dhow lasoo gabagabeeyay, waxaana lagu dhawaaqay musharaxii ku guuleystay.
Doorasho la isla gaaray wareegii saddexaad, markii wareegii koowaad lagu kala bixi waayey, waxaana wareegii labaad ka tanaasulay labadii musharax ee ugu danbeysay, iyadoo ay wareegga 3aad lagu kala saaray musharixiinta kala ah Cali Daahir Ciid iyo C/qani Sheekh Cali Diini.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada oo noqotay:
1- Cali Daahir Ciid oo helay 46 Cod
2- Halka C/qani Sheekh Cali Diini oo helay 31 Cod.
Waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu Cali Daahir Ciid ku guuleystay xilka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, iyadoo goor dhoweyd la dhaariyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.