Kulan degdeg ah oo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya dalbaday ayaa hadda ka socda xarunta Villa Somalia gaar ahaan xafiiska madaxweynaha iyadoo ay kulanka albaabada u soo xirteen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Jawaari oo maanta uun dalka ku soo laabtay ayaa la kowsaday xaalad siyaasadeed cakiran oo dalka ka taagan kadib markii mooshin xil ka xayuubin madaxweyne ay guddoonka Baarlamaanka u geeyeen xildhibaano ka badan 90, iyadoo doonaya inay soo gole joojiyeen madaxweynaha Federaalka Soomaaliya si xilka looga qaado.
Kulanka oo madaxweynaha dalbaday ayaa weli socda iyadoo aan la ogeyn waxa ka soo bixi doonta, laakiin waxay xaaladda u muuqataa inuu markan awood badan leeyahay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo mooshinka siduu dooni u dhigi karo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]