Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynihii Dalka Tunisia ee 92-sano jirka ahaa oo Geeriyooday

Madaxweynihii dalka Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa ku geeriyooday caasimadda dalka Tunisia ee Tunisa, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada dalkaasi,

Beji Caid Essebsi oo ahaa madaxweyne 92 sano jir ah, isla markaana doorasho xor ah lagu soo doortay sanadkii 2014, markii kacdoon shacbi ka dhacay halkaasi ayaa xanuunsanaa muddooyinkii ugu danbeeyay, waxaana Arbacadii la dhigay isbitaalka markii labaad markii xaaladiisa caafimaad ay xumaatay, dowladda Tunisia ay shaacisay in muddo 3 maalmood ah loo baroordiiqi doono hoggaamiyahaasi.

Madaxweyne Sibsi ayaa ahaa madaxweynaha ugu da’da weyn ee dunida talada haya, waxayna da’diisu ahayd 92 sano jir si xor ah loogu doortay madaxweynaha Tunisia. Dalka Tunisia ayaa waxaa xilka madaxweynaha sii heyn doona Guddoomiyaha Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON