Monday, July 7, 2025

Madaxweynihii hore ee Dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak oo Geeriyooday..

Waxaa la shaaciyey inuu goor dhow geeriyooday madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak.

Geerida madaxweynihii hore ee dalka Masar ayaa waxaa si rasmi ah u shaaciyey Telefishanka Dowlada Masar, kadib markii saxaafada dalkaasi ay qortay oo baraha bulshada ay hareysay tacsida loo dirayo qoyska Maxamed Xusni Mubaarak, waxaana dadka tacsiga diraya ka mid ahaa dad saaxiibo ah oo u dhow qoyskiisa.

Madaxweynihii hore oo ahaa 91 sano jir ay toddobaadkii ugu danbeeyay la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira, iyadoo la sheegay inay xaaladiisu ahayd mid adag oo uu koomo ku jiray, waxaana dalkaasi ka bilaabatay tacsida madaxweynaha hore oo mudo 30 sano talada dalkaasi gacanta ku hayey.

Xubni Mubaarak ayaa dalka Masar soo xukumayey tan iyo sanadkii 1981 ilaa 2011 markaasoo xukunka looga tuuray kacdoon dadweyne.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON