Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Madaxweynihii Maamulka Hirshabeelle oo Mooshin Xilkii looga qaaday [Akhriso]

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xilkii madaxweynenimo ee maamulka Hirshabeelle laga xayuubiyay Cali C/llaahi Cosoble.

Kulan ay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka furmay xarunta Shirarka ee Farjano waxaa cod loo qaaday mooshinkii ka dhanka ah Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble waxaa u codeeyay xildhibaano dhan 68 xildhibaan oo kalsoonidii kala laabtay.

Waxaa kulanka guddoominaya guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Canab Axmed Ciise, iyadoo ay xaadir ahaayeen xildhibaano tiradooda lagu sheegay 76.

Xil ka qaadista Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble ayaa u baahneyd 3/2 tirada xildhibaanada Baarlamaanka oo ah 66 cod, iyadoo ay xil ka qaadistiisa u codeysay 68 xildhibaan.

Xil ka qaadista waxaa ka hor yimid 6 xildhibaan iyadoo 2 kale ay ka aamuseen. Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku sugan Muqdisho isagoo dib uga dhacay socdaal uu degdeg ku tegi lahaa magaalada Jowhar arrimo dhinaca diyaaradda ah awgeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON