Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd ka dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda dalka Jordan oo lagu casuumay ka qeybgalka shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta oo berri ka furmi doona dalkaasi.
Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee sanadan 2017 waxaa ka qeyb geli doona Boqorka Sacuudiga iyo madax badan oo Carbeed, iyadoo muddo dheer kadib uu tegi doono Boqorka Marooko Boqor Maxamed-ka lixaad, waxaa kaliya oo marnaan doona kursiga dalka Suuriya oo hore looga saaray dowladda Bashaar Al-asad.
Farmaajo ayay noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu kasoo dhex muuqdo hogaamiyeyaasha carabta, waxaana arrimaha looga hadlayo ugu horeeya dhibaatooyinka ka taagan dalalka Carabta oo Soomaaliya ka mid tahay.
Waa safarkii saddexaad ee Madaxweyne Famaajo ugu dhoofayo dibadda muddo 40 casho gudahood ah intii xilka madaxweyne loo doortay.
Goobjooge.com