Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Maleeshiyo hubeysan oo la wareegtay Baar iyo Hotel ku yaala xeebta Liido, Muqdisho

Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabab ayaa la wareegtay Baar iyo Hotel ku yaala xeebta Liido, Degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho kadib markii ay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ku dhufteen iridka Baarka caanka ah ee Sead Food.

Maleeshiyo ug yaraan 5 ruux ah oo aad u hubeysan, isla markaana xiran suumanka qarxa ayaa xoog ku galay baarka iyo dhisme kale oo ku dhow, waxaana ay rasaas u fureen dhinac waliba.

Waxaa goobta tegay ciidamada nabadsugidda, halkaasoo ay rasaas ka bilaabtay, laakiin muddo ka badan 40 daqiiqo qaraxii hore ayaa la maqlay qarax kale oo isla goobta ka dhacay kaasoo lala beegsaday ciidamada nabadsugidda, goobaha la weeraray ayaa waxaa u badan dadka siyaasiyiinta ah iyo qurbe joogta Soomaalida.

Qasaare badan ayaa laga cabsi qabaa inuu halkaasi ka dhacay, weriyeyaasha ugu horeeyay oo goobta ka ag dhow ayaa ku waramaya meydad ay arkeen iyo dhaawacyo la gurayo.

Ciidamada ayaa la tacaalaya weerarka oo xili habeen lagu soo beegay, waxaana la maqlayaa rasaas xoog leh oo ka socota goobta weerarku ka socdo.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa iminka gacanta ku heysa Hotelka Beach View iyo baarka Sea Food, waxaana socda dadaal ay ciidamada doonayaan inay labadaasi dhismood ku galaan, inkastoo rasaas xoog leh lagala hor yimid.

Saxafiyiinta ayaa laga fogeeyay goobta, waxayna maleeshiyada Alshabaab qaraxa kadib ka galeen Baarka dhinaca badda oo uu u furan yahay. Mid ka mida goobaha weerarka lagu qaaday waxaa ka socday aroos.

Waxaa weerarkan cambaareeyay Wakiilak Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo dhowaan xilka la wareegay. Madaxda dowladda ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON