War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in maleeshiyooyin ka tirsan kooxda Alshabaab ay goor dhoweyd gudaha u galeen magaalada Marka, ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Maleeshiyada Alshabaab ee galay magaalada Marka ayaa wararku sheegayaan inay hadda gacanta ku hayeen qeybo ka mida magaalada.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay magaalada isaga baxeen ciidamadii ku sugnaa ee dowladda Federaalka iyo maamulka halkaasi ka jiray.
Magaalada Marka ayaa marar badan ay Alshabab galaan iyagoo aan ka fogeyn magaalada oo noqotay magaalo qasan oo xaaladeeda amaan aan la isku haleyn karin.
Goobjooge.com