Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Markab laga furtay Burcad Badeed heysatay & shaqaale ajnabi ah oo la qafaashay

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya markab ay heysteen  koox burcad Badeed Soomaali ah lagala wareegay.

Markabka MSV Al Kausar oo lagu heystay xeebaha degmada Hobyo ayaa waxaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug, iyadoo iska hor imaad ka dhacay xeebta ay baxsadeen kooxdii burcad badeedka ahaa.

Lama sheegin qasaare ka dhacay dagaalka dhex maray burcad badeeda iyo ciidamada Galmudug, laakiin waxaa la xaqiijiyay in Markabkii lasoo furtay iyo laba ka mida  shaqaalaha Markabka.

Shaqaale kale oo ka mida kuwii markabka ayaa wararku sheegayaan inay la qafasheen kooxdii burcad badeedka ahayd, waxaana socda baadi goob loogu jiro.

Guddoomiyaha degmada Hobyo C/laahi Fat ayaa sheegay inay gaari ka qabsadeen kooxda Burcad badeedka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON