Waxaa soo dhammaatay dhageysiga maxkamad hor geyntii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka socotay xarunta Maxkamada Gobolka Banadir.
Dooda ugu weyn ee maanta goobta ka dhacday ayaa ahayd, iyadoo xeer ilaalinta ay dalbaneyso, kuna adkeysaneyso in waqti dheeraad ah la siiyo, iyo qareenada u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo doonaya in la caddeeyo wixii lagu soo xiray ee lagu weeraray hoygiisa.
Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa soo xiray fadhiga maxkamadda, iyadoo la hakiyay doodii sharciga kiiska, waxaana lagu wadaa inuu daqiiqado kadib ku dhawaaqo go’aanka Maxkamadda oo la filayo inuu waqti dheeraad ah siiyo Xeer ilaalinta ama uu go’aan kale oo lama filaan ah qaato.