Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goor dhoweyd dil ku xukuntay Saddex qof oo ka mida dadkii lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii & gubistii Marxuum la oran jiray Axmed Dowlo oo ka dhacay Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.
Kiiska oo maxkamada hor yaallay in muddo ah ayaa lasoo taagay lix qof oo dilkaasi lagu eedeeyay iyo qof isagoo maqan dacwadda lagu qaaday, waxaana dadka xilka lagu xukumay ee lagu helay dilka Marxuum Axmed Dowlo oo dhacay 20/09/2018 ay kala yihiin: Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed, sida uu ku dhawaaqya guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir
Sidoo kale Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sii daysay Afar ruux oo kale oo kiiskaan loo haystay, kadib markii wax dambi ah lagu waayay. Waxaana u furan inay rafcaan ka qaataan xukunka lagu riday saddexda qof ee isku qoyska ah.
Kiiskan oo dood badan dhaliyey ayaa u muuqada inuusan sidan ku dhammaan doonin, wuxuuna salka ku hayaa caado Soomaali isir naceyb ah, markii gabadha qoyska dilka lagu eedeeyay uu guursaday wiil kasoo jeeda beelaha la heyb sooco, taasoo keentay mid ka mida falalkii ugu naxdinta badnaa ee qof loo dilo arrin heyb sooc ah.