Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Maxkamadeyntii C/raxmaan C/shakuur oo soo dhammaatay & Damiin loo diiday

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inay soo idlaatay maxkamadeyntii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo galabta ka dhacday xarunta maxkamadda G/Banaadir ee degmada Xamarweyne, magaalada Muqdisho.

Xeer ilaalinta ayaa dacwad ku soo oogtay siyaasiga iyadoo maxkamadda ka codsatay in muddo kordhin loo sameeyo si ay u soo dhameystirto baaritaanka ay ku heyso kiisaska lagu heysto siyaasiga oo habeen hore lagu soo xiray iska hor imaad ka dhacay gurigiisa.

Maxkamadda ayaa dhageysatay codsiga xeer ilaalinta iyo qareenkii difaacayay maxbuuska, waxaana dood kadib ay go’aamisay in muddo 24 saacadood ah ay xeer ilaalintu ku keento caddeymaha eedaha loo heysto C/raxmaan C/shakuur, dibna la isugu soo laabto mar kale.

Xeer ilaalinta ayaa dooneysay in la siiyo muddo 5 maalmood ah, taasoo aan dhicin, waxaa kaloo socon weyday in damiin lagu sii daayo C/raxmaan C/shakuur markii ay xumaatay farsamadii lagu sii deyn lahaa, iyadoo qareenada u doodayay iyo C/raxmaanba ay ku doodeen inaysan wax dembi ah lahayn.

Eedaha ay soo jeedisay xeer ilaalinta ahaa ahaa kuwo aan dhameystirneyn, waxayna maxkamadda maanta u tageen in waqti dheeraad ah ay helaan, kaasoo hadda ku soo ururay 24 saacadood, iyadoo C/raxmaan C/shakuur dib loogu celiyay xarunta dhexe ee NISA magaalada Muqdisho oo uu hore ugu xirnaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON