Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Meydadka askartii Kenya looga laayay Ceelcade oo laga dejiyay Nairobi

Waxaa goor dhoweyd Garoonka  diyaaradaha ee Wilson, magaalada Nairobi laga dejiyay qaar ka mida  meydad ka mida askarii Kenya looga laayay dagaalkii Jimcihii hore ay kooxda Alshabaab ku qaadeen xerada Ceelcade ee Gobolka Gedo.

Meydadka oo ku jiray naxashyo lagu dahaaray calanka Kenya ayaa gaaraya 5, waxaa garoonka ku soo dhoweeyay taliyaha ciidamada Kenya Mwathethe iyo wasiirka gaashaandhigga dalkaasi Ms Omomo, waxaana xaflad lagu maamuusayo loogu qabtay garoonka oo heer qaran ah iyadoo Kenya ay ku jirto murugada askarta looga dilay Soomaaliya.

Weli ma jirto tiro rasmi ah oo Kenya ay bixiyay qasaaraha dagaalka Ceelcade ka gaaray, waxayna wasiirada gaashaandhigga ay sheegtay in marka howlgalku dhamaaday ay shaacin doonaan.

meyd2

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON