Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Miino ku qaraxday Gaari dad shacab ah saarnaayeen & Qasaare badan oo ka dhashay

Wararka laga helayoGobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya inuu qarax miino haleelay gaari BL ay la socdeen dad rayid ah.

Gaariga ayaa qaraxa ku qabsaday degaanka loo yaqaan Deniga Baalow u dhow degmada Balcad. Waxaana saarnaa Gaariga oo ahaa HOMEY dad u badan Haween beeraley ah, xili ay marayeen jid wareega ah oo halkaasi ku yaalla.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qasaare weyn uu dhaliyay qaraxa, waxaana la xaqiijiyay in ka badan 6 qof inay ku dhinteen qaraxa, iyadoo dhaawacu ka badan yahay 8 kale, waxaana gaariga uu noqday mid bas beelay.

Gaariga Caasiga ah ayaa ka baxay Degmada Afgooye,waxaana uu ku siijeedaty Degmada Balcad ee Gobolka Shabellada Dhexe, iyadoo ay haleelay qarax Miino oo jidka lagu aasay.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa xoojisay howlgallada ay ka wadaan jidka u dhaxeeya Balcad iyo Afgooye iyadoo weerarro toos iyo miinooyin ku qaada ciidamada dowladda taasoo mararka qaar dad shacab ah ay ku waxyeeloobaan.

Qasaaraha Gaariga miinada la kacday ayaa laga cabsi qabaa inay sii kororto iyadoo goobtaasi aanay ka dhoweyn xarumo caafimaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON