Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Milateriga Itoobiya oo galay Diridhabe [Liyu Police oo banneeyay & Soomaalida oo ka Qaxeysa]

Wararka laga helayo magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in ciidamada federaalka Itoobiya ay galeen magaalooyinka Jugjiga iyo Diridhabe oo labadii maalmood ee uu danbeeyay shaqaaqooyin ku dhex marayeen Soomaalida iyo Oromada.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay gudaha u galeen  labada magaalada iyadoo ay wadooyinka dhooban yihiin, waxayna la wareegeen dhismooyinka maamulka iyo goobaha dowladda, kadib markii xaaladda magaalada ay qarka u saarantay inay faraha ka baxdo.

Ciidamadii maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyu Police ayaa la sheegay inay isaga baxeen oo ay banneeyeen magaalada Diridhabe waxyar ka hor intii aanay ciidamada Itoobiya gelin halkaasi, waxay kaloo banneeyeen magaalada Jigjiga iyagoo loo sheegay inay xerooyinkooda ku ekaadaan.

Soomaalida ku nool magaalada Diridhabe ayaa la sheegay inay ka qaxayaan degaanada ay la degan yihiin Oromada iyo qowmiyadaha kale, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in xaaladda magaalada ay kacsan tahay.

Faragelinta ciidamada Itoobiya ayaa bilaabatay galabta iyadoo ciidamo badan oo wata diyaarado helikobtar ah iyo qalab culus, waxayna arrintan ka dambeysay wadahadal maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka ugu dhammaaday magaalada Jigjiga oo la sheegay inuu maamulka DDSI codsaday ciidamo federaal ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON