Wararka laga helayo magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali uu ku soo jeedo magaalada Muqdisho.
Diyaarad sida Sheekh Roobow iyo mas’uiliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka K/Galbeed ayaa ayaa kasoo duushay goor dhoweyd iyadoo la filayo in laga soo dejiyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan oo maanta baajiyay safar uu dib ugu laaban lahaa Baydhaba arrintan darteed.
Dhinaca kale saraakiisha Mareykanka ee ka howlgala Muqdisho ayaa doonaya in loo gacan geliyo Mukhtaar Roobow oo ay su’aalo iyo wareysiyo ka doonayaan, arrintaas oo ay ka wadahadleen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka.