War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in musharaxa xisbiga mucaaradka ee Wadani C/raxmaan Cirro uu ku dhawaaqay Go’aanka xisbigiisu ka qaatay doorashadii Somaliland.
Shir jaraa’id oo saxaafadda ugu qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ayuu ku shaaciyay inuu aqbalay natiijada doorashada isagoo eegaya danta guud ee shacabka Somaliland.
“Anigoo u turaya maslaxada guud ee danta shacbiga oo diidan in dhiig la daadiyo ayaan qaatay natiijada doorashada..” ayuu yiri C/raxmaan Cirro oo sheegay inuu danta Somaliland u tanaasulay.
Arrintan oo lama filaan ahayd ayaa ka dambeysay markii madaxda Xisbiga Wadani ay maanta oo dhan shir ka lahaayeen go’aanka ay ka qaadanayaan natiijada uu shaaciyay Guddiga doorashada Somaliland oo xilka madaxweynaha uu ku guuleystay musharaxa xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.