Laba ka mida musharixiinta xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa shaaciyay inay ka tanaasuleen tartanka.
Iyadoo lagu waday inay labada musharax khudbadahooda ka jeediiyaan Golaha Baarlamaanka ayay guddiga doorashada ku wargeliyeen inay isaga hareen tartanka, waxaana fadhiga Baarlamaanka ee hadda socda ka sheegay guddoomiyaha Guddiga DOorashada.
Labada musharax ee tartanka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ka tanaausaly waxay kala yihiin: C/llahi Cismaan Ducaale iyo Jamaal Xasan Ismaaciil.
Goobjooge.com