Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayey Naciima Ibraahim Qorane oo muddo saddex bilood ka badan u xirneyd maamulka Somaliland.
Sii deynta Naciima Qorane ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyey, iyadoo uu kulan dhowaan la yeeshay Aabbha dhalay Naciima oo ka codsaday inuu cafis u fidiyo gabadha oo ku xanuunsatay Xabsiga.
Naciima oo ahayd Gabar Gabyaa ah ayaa lagu eedeeyay inay ka hor timid jiritaanka Somaliland, wwxaana saaka laga sii daayey Xabsiga degmada Gebiley ee duleedka magaalada Hargeysa.
Sii deynta Naciima Abwaan Qorane ayaa si weyn loo soo dhoweeyay, waxayna mar labaad la midowday ehelkeeda.