Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Nin hubeysan oo rasaas ku furay dad Raashin loo qeybinayay

Wararka laga helayo  magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qasaaraha ayaa ka dhashay kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dad raashin loo qeybinayay oo ku sugnaa goob ay saf ugu jireen raashin deeq ah.

Wararka hordhaca aha ayaa sheegaya in 4 qof ay ku dhinteen goobta isla markaana 9 kale ay ku dhaawacmeen rasaasta lagu furay dadkaasi masaakiinta ahaa oo ahaa qaxootigii abaaraha kasoo barakacay.

Ninka falkan geystay ayaa lagu sheegay inuu ahaa mooryaan isagoo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay dadka, ayna tahay fal bareer ah kadib markii ay si ad dhaafeen nin ka mida samafalayaashii wax qeybinayay iyo ninka hubeysan oo la sheegay inuu baxsaday markii uu falkaasi geystay.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON