Wararka laga helayo dalka Mareykanka ayaa sheegaya ijn 8 qof lagu dhaawacay xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka.
Weerarka ayaa la sheegay inuu geystay nin ku hubeysan Mindi oo weeraray dad ku sugnaa suuqa lagu magacaabo St. Cloud Mall.
Ninka weerarka geystay ayaa toogasho lagu dilay. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ninka falkan geystay uu asalkiisu kasoo jeedo Soomaaliya, sida uu weriye Harun Macruuf oo ka tirsan VOA kasoo xigtay madaxa jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota.
BREAKING: A Somali community leader in St. Cloud tells me that he was told by a law enforcement officer that the suspect is of Somali origin
— Harun Maruf (@HarunMaruf) September 18, 2016
Ninka weerarka geystay waxaa la sheegay inuu ku dhawaaqayay magaca Alle, isla markaana ugu yaraan qof ka mida dadka uu weeraray uu weydiiyay inuu yahay Muslim, wuxuuna ku lebisnaa dareys hay’ad ammaan oo gaara.
Dadka dhaawaca gaaray ayaa dhammaantood xaaladoodu wanaagsan tahay oo aanay jirin qof halis ah, sda uu sheegay booliska. Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa toogasho ku dilay ninka weerarka soo qaaday sida uu caddeeyay madaxa Booliska St Cloud Police ee Blair Anderson.
Wakaalado