Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Nin weerar ka geystay Gobol ka tirsan dalka Mareykanka oo dilay 8 qof

Wararka laga helayo dalka Mareykanka ayaa sheegay in 8 qof lagu dilay rasaas lagu furay dad kala duwan oo ku sugan Gobolka Mississippi.

Saraakiisha Gobolka ayaa sheegya in nin lagu tuhunsan yahay inuu geystay dilka la qabtay oo baaritaan lagu hayo, waxaana dadka la dilay ka mida taliye ku xigeenkii Booliska.

Afhayeenka Waaxda Denbi baarista Mississippi Warren Strain ayaa sheegay in toogashada ay ka dhacday saddex guri iyo duleedka xaafadda  Lincoln County. Laba ka mida guryaha ayaa ku yaalla xaafadda Brookhaven, halka guriga kale uu ku yaallo Xaafadda Bogue Chitto.

Saraakiisha ayaa sheegay inay wadaan baaritaan, iyadoo aan la ogeyn sababta dilka keentay iyo in qofka dilka geystay uu aqoon u lahaa dadka uu dilay.

 

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON