War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in shir ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta, waxgaradaka iyo odayaasha magaalada Cadaado laga soo saaray go’aan ku saabsan imaanshaha Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ee magaaaladaasi.
Kulanka oo goor dhow soo dhammaday ayaa lagu go’aansaday in Madaxweyne Xaaf lagu soo dhoweeyo magaalada Cadaado, lana dejiyo Madaxtooyada magaaladaasi, kadib markii uu la soo xiriiray, isagoo doonaya inuu kusoo laabto magaalada Cadaado. Reer Cadaado ayaa isla qaatay inay soo dhoweeyaan madaxweyne Xaaf oo hore uga tegay magaaladooda.
Madaxweyne Xaaf ayaa dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyay magaalada Cadaado, wixii ka danbeeyay markii uu heshiiska la galay Ahlu suna, isagoo fariisin ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb, waxaana isbedel ku yimid markii ay Ahlu suna heshiis la gashay Dowladda Federaalka, isagoo qoraal uu soo saaray xalay ku sheegay inuu waxba kama jiraan yahay heshiiskii Ahlu suna uu la galay.

