Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Orodyahanka Max’ed Daa’uud oo wareeg dhan dib u dhacay tartanka 5000 Mitir & Mo Farah

Orodyahanka ku tartamaya magaca Soomaaliyeed ee Maxamed Daa’uud  Maxamed  ayaa goor ka qeyb galay tartanka orodka Shanta kun Mitir, iyadoo uu dadaal xoog leh muujiyay.

Orodka oo ahaa laba qeybood tiro badnida orodyanahadda ka qeyb galaya dartood ayaa waxaa kaloo ka qeyb galayay laba orodyahan oo asalkoodu yahay Soomaaliya laakiin u kala tartamayay Ingiriiska Mo Farah iyo Bashiir Cabdi oo u tartamayay Belguim.

Orodyahanka Soomaaliyeed ayaa dadaal badan muujiyay, isagoo ku dhex jiray kooxda koowaad ee loolanka ku jiray oo ka koobneyd 25 orodyahan, laakiin ugu dambeyntii waxay noqotay inuu tartiib gadaal u dhaco ilaa markii dambe uu wareeg dhan ka haro oo orodyahanadii kale markii ay tartanka dhameeyaan isagu wareeg u harsanaa.

Orodyahanka Soomaaliyeed  Maxamed Daa’uud ayaa ahayn qofka ugu danbeeya ee wuxuu noqday ninka labaad ee xagga danbe ka hogaaminayay orodkan.

Mo Farah ayaa ku soo baxay kaalinta saddexaad ee orodkan oo ahaa mid si weyn loogu loolamay.  Orodka ayaa loogu soo baxayay fiinaalka tartankan oo ay isugu soo hareen 15 orodyahan.

Score

Goobjoog.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON