Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Prof. Gaandi loo doortay mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa la waayay cid la tartanta kadib markii musharixii uu keensaday inuu kursiga kula tartamo uu tanaasulay, waxaana sidaasi ku helay kursiga isagoo ahaa qofka kaliya ee u taagan.

Guusha Prof. Gaandi kasoo hooyay aqalka hoose ayaa timid kadib markii uu fashil weyn kasoo wajahay kursigii aqalka sare oo uu kaga guuleystay musharax uu watay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.
Arrintaas kadib ayaa beesha uu ka soo jeedo Prof. Gaandi waxay garatay in la siiyo kursiga Baarlamaanka aqalka hoose oo ah kan uu maanta ku guuleystay.
Goobjooge.com