Thursday, June 26, 2025

Qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday shaqaalihii Turkiga ee dhismaha Jidka Afgooye & Qasaare kaso gaaray

Qarax Gaari oo uu waday qof is-miidaamiyey ayaa lala beegsaday bar koontarool oo ay ku sugnaayeen Shaqaale Turkiga ah ee ku howlan dhismaha Jidka Afgooye iyo Muqdisho.

Faahfaahinta hordhaca ah ee qaraxa laga helay ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay qof is-miidaamiye ah, waxaana gaari xawaare sare ku socda la geliyey goob la sheegay inay shaqaale iyo injineero Turki ah ku sugnaayeen ee koontrolka Boodboodka.

Goobta waxaa u sugnaa ciidamada Booliska ee sida gaarka u tababarran, waxaana la sheegay in qasaare dhaawacyo iyo dhimasho ay jiraan. Safiirka Turkiga u jooga Muqdiso ayaa laga soo xigtay inay qaraxa ku dhaawacmeen shaqaale Turki ah.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 3 qof oo askar ku jirto, kuna dhawacmeen ku dhowaad 20 qof oo 6 ka mida ay Turki yihiin, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Turkiga, waxaana xaaladooda liidataa 2 Turki ah.

HOOS KA AKHRISO WARARKII UGU DANBEEYAY EE QARAXA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON