Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Qarax ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kaabul iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhacay Magaalada Kaabul, gaar ahaan garoonka Hamid Karzai ee magaalada magaalada Kaabul.

Qaraxa ayaa yimid iyadoo Mareykanka iyo Sirdoonka Reer Galbeedka ay ka digeen Qaraxyo ay xaqiiqo tahay inay ka dhacayaan agagaarka Garoonka diyaaradaha Kaabul, ayna diyaarinayaan kooxda Daacish ee Afghanistan, loona yaqaan Khuraasaan, halkaas oo kumanaan dad ah ay saf ugu jiraan in laga daadgureeyo dalkaasi.

Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay dhinaca Bari, iyadoo qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa oo is-miidaamiye ahaa uu isku dhex qarxiyey dad badan dhexdooda. Qaraxa kadib ayaa rasaas xoog leh laga maqlay goobta qaraxa ka dhacay.

Qaraxa ayaa dhaliyey qasaare dhaawac iyo dhimasho leh, waxaana la sheegay inuu ka danbeeyay is-miidaamiye ka tirsan kooxda Daacish ee Afghanistan. Dhaawaca 15 qof iyo geerida laba qof ayaa ilaa hadda lasoo weriyey.

Safiirka Faransiiska ee Kaabul ayaa ka digay in qaraxyo kala la filayo inay dhacayaan, wuxuuna uga digay dhammaan dadka inay ka fogaadaan garoonka Kaabul.

TV-ga FOX NEWS ee Mareykanka ayaa soo weriyey in 3 askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen Qaraxa ka dhacay Garoonka Kaabul oo wararka qaar sheegayaan inuu ahaa qof is qarxiyey, halka warar kale sheegeen inuu ahaa Gaari qaraxyo laga soo buuxiyey.

Ciidamada Daalibaan ayaa banneeyay agagaarka Garoonka Kaabul, waxaana laga kala eryay dadkii ku sugnaa, iyadoo rasaas goosgoos ah laga maqlayo xeyndaabka Garoonka Kaabul.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

Akhriso: Qarax labaad oo ka dhacay Garoonka Magaalada Kaabul, dalka Afghanistan

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON