Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd qarax ka dhacay magaalada Ceelwaaq.
Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa Miino dhulka la heliyey ayaa lala beegsaday Maqaayad ku taalla magaalada Ceelwaaq oo dad isugu jiray shacab iyo askar ku sugnaayeen, Gobolka Gedo, iyadoo qasaare laga soo sheegay inuu geystay qaraxaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen laba qof oo maqaayada ku sugnaa, ayna ku dhaawacmeen 3 kale.
Alshabaab ayaa sii kordhisay qaraxyada miinada ee lagu qaadayo goobaha rayidka ah iyo is-miidaaminta shaqsiga ah..
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA..
