Friday, July 11, 2025

Qarax ka dhacay Magaalada Nairobi iyo Dad ku dhaawacmay

Wararka laga helayo magaalada Nariobi ayaa sheegaya in qarax ka dhacay meel u dhow Shineemo uu geysay qasaare.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow Shineemada Odeon, Wadadda  isgoyska Latema iyo Tom Mboya ee magaalada Nairobi, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay qaraxa laba qof ku dhaawacmeen.

Booliska Kenya ayaa sheega in qaraxa uu ka dhashay qalab waxyaabaha qaraxa lagu soo xiray oo goobtaasi la dhigay, waxaana halkaasi gaaday ciidamada Kenya, iyadoo ay socdaan baaritaan lagu hayo waxyaabaha dhaliyey qaraxa iyo cidda ka dambeysay.

Dadka iyo gadiidka ayaa loo diiday inay isgoyskaasi u gudbaan, waxaana looga digay  inay u dhowdaam goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah isgoys muhiim ah.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON