War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday ciidamada AMISOM.
Qaraxa ayaa la sheegay in inuu qabsaday Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayay degaanka Weydow ee Magaalada Muqdisho duleedkeeda, Waxaana dadka degaanka ay sheegeen inuu jiro qasaare soo gaaray ciidamada AMISOM.
Wararka qaar ee qaraxa ayaa sheegaya inuu ahaa qarax is-miidaamin oo gaari laga buuxiyay waxyaabaha qaraxa lagu dhugftay gaadiidka AMISOM, waxaana gaariga is qarxiyay la sheegay inuu ahaa nooca NOAH.
Faahfaahinta qaraxa ayaa hadda soo baxeysa iyadoo ciidamada qaraxa qabsaday ay xireen goobta lagu beegsaday. Alshabaab ayaa sheegtay weerarka iyadoo sheegtay inay beegsadeen ciidamo AMISOM ah oo waday saraakiil Mareykan ah. AMISOM ayaan weli ka hadlin arrintan.