Friday, August 1, 2025

DEGDEG: Qarax kale oo ka dhacay Hotelka dagaalku ka socdo ee magaalada Nairobi

Qarax kale ayaa ka dhacay Hotelka weerarku ka socdo ee magaalada Nairobi, oo kooxda Alshabaab ay sheegatay inay howlgal  ka wado.

Daqiiqado ka hor ayaa qarax weyn laga maqlay hotelk Dusit ee Degmada Westland, magaalada Nairobi, kaasoo ay gudaha u galeen dabley ak tirsan Alshabaab, kadib laba qarax oo halkaasi ka dhacay.

Qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa ahaa gaari ay dableyda uga tageen agagaarka hotelka oo ciidamada ay dadka ka celinayeen inay u dhowaadaan, waxaana qaraxiisa  uu dhaliyey argagax. Dableyda hotelka gudaha u gashay ayaa tiradooda lagu sheegay 4 ilaa 6 dabley ah oo xoog u hubeysan,. waxaana hotelka agagaarkiisa laga kaxeeyay dadkii ku sugnaa.

Qasaaraha weerarka ayaa weli soo baxaya iyadoo la xaqiijiyey dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 14 kale, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaruhu sii kordho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON